Isku xirrada

War Deg-Deg ah

153 Qof oo ku Dhintay Diyaarad ku Burburtay Nigeria


153 qof oo saarnaa diyaarad rakaab ah ayaa dhintay kaddib markii diyaaradaasi ay ku dul bur-burtay guryo ku yaalla magaalada Lagos.

Madaxweynaha Nigeria, Goodluck Jonathan ayaa ku dhawaaqay saddex cisho oo baroordiiq qaran ah oo loo sameynayo dadkii ku dhintay shilkaasi, iyo in sidoo kale uu amray in baadhitaan lagu sameeyo wixii sababay masiibadaasi.

Saraakiisha hay’adda Duulimaadka ee Nigeria ayaa sheegay in diyaaradda burburtay oo ay leedahay shirkadda Diyaaradaha ee Dana ay ka soo duushay Axaddii magaalada Abuja kuna socotay Lagos markii ay ku dul-burburtay guri laba dabaq ah oo ku dhexyaalla xaafad ay dadku aad u dagan yihiin, iyadoo markaasi dab u qabsaday guryo kale oo meesha ku yaalla.

Ma cadda haddii dad kale oo joogay goobta ay diyaaradu ku dhacday inay dhinteen.

Shirkadda diyaaradaha ee Dana ayaa ah shirkad maxali ah oo ku shaqeysa dhowr diyaaradood oo nooca Boeing MD-83 ah, kuwaasoo sameeya dullimaadka 4 saacadood qaata ee Abuja iyo Lagos.

XS
SM
MD
LG