Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arsenal oo sii dheereysatay hoggaanka horyaalka Premier League-ga


FBL-ENG-PR-LUTON-ARSENAL
FBL-ENG-PR-LUTON-ARSENAL

Kooxda Arsenal ayaa xalay si dirqi ah uga badisay kooxda yar ee Luton Town ee ku cusub horyaalka Premier League, kadib markii daqiiqaddii ugu dambeysay ee ciyaarta uu gool madax ah u dhaliyay Declan Rice, waxaana ciyaartu kusoo idlaatay 4-3.

Guushan ayaa Arsenal u horseedday inay shan dhibcood oo nadiif ah ku hoggaamiso horyaalka, waana markii saddexaad ee xilli ciyaareedkan ee ay Arsenal gool badis ah ay dhaliso wakhtiga dhimashada.

"Inaad dhaliso gool daqiiqaddii ugu dambeysay ee ciyaarta iyo in aan sii wadno dardarteenna waa mid nagu weyn. Inaad dhaliso goolka guusha waa sharaf weyn." ayuu yiri Declan Rice ciyaarta kadib.

Arsenal ayaa 36 dhibcood ka heshay 15 kulan oo ay ciyaartay, waxaana kusoo xigta Liverpool oo leh 31 dhibcood, halka kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City ay leedahay 30 dhibcood, in kasta oo min hal kulan uu u dhismman yahay Liverpool iyo City.

Haddaba, ilaa goorma ayay Arsenal hoggaanka sii heyn doontaa, maxayse uga duwan tahay sannadkii hore? Cali Mataan oo ka faallooda ciyaaraha degganna magaalada Bloomington ee gobolka Minnesota ayaa ku falanqeynaya barnaamijka ciyaaraha ee maanta.

Falanqeynta Arsenal
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:52 0:00

Dhinaca kale, tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa diiday inuu eedeeyo goolhaye David Raya kadib markii uu galay khaladaad sababay qaar ka mid ah goolashii xalay laga dhaliyay, waxaana uu khaladaadkaas ku tilmaamay 'eed-wadareed.

David Raya oo booska kala baxay Aaron Ramsdale kadib markii uu Arsenal kaga soo biiray Brentford, ayaa taageereyaashu ku eedeeyeen inuu Luton siiyay labo gool dhaliyay sideed daqiiqo gudahood.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG