Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aragtida shacabka Muqdisho ee ku aadan qoraalkii hay'adda NISA


NISA
NISA

Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA ayaa farriin ay ku daabacday barteeda twitter-ka saacadihii hore ee saaka ku sheegtay inay Madaxda Qaranka siisay warbixin ku saabsan khatar ay maleegayaan ururka Al-Shabaab.

NISA waxay farriintaasi ku sheegtay in Al-Shabaab ay doonayana inay beegsadaan Madaxwayne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble. NISA waxay intaas ku dartay in shakhsi lagu magacaabo Maxamad Maahir oo ka tirsan Al-Shabaab inuu wado fulinta qorshahaas.

NISA masoo bandhigin caddaymo muujinaya halista iyo inta ay le’eg tahay, waxayse sheegtay inay dabagal ku hayso dadka ku lugta leh.

Haddaba qaar ka mid ah dadweynaha Muqdisho ayaa ka falceliyey hadalka kasoo baxay NISA.

Aragtida shacabka Muqdisho ee ku aadan qoraalkii hay'adda NISA
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:53 0:00

XS
SM
MD
LG