Boosaaso —
Labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa malmahan ka doodaya dib u eegista iyo dhameystirka Dastuurka KMG ee Soomaaliya, oo qabyo soo ahaa tan iyo sanadkii 2012-kii.
Talaadadii ayaa lasoo gababeeyay cutubka koowaad ee dastuurka iyadoo la filayo in maalmaha soo socda ay billaabaan ka doodaan cutubyada kale.
Haddaba qaar ka mid ah dadweynaha ku nool magaalada Boosaaso ayaa aragtidooda ka dhiibtay dhameytirka dastuurka iyo sida uu uu ku socdo.
Wariyaha VOA Bosaaso Yuusuf Maxamuud Yuusuf ayaa la hadlay.
Madal