Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aqoonsi Lagu Gali Doono Doorashada Somaliland


Aqoonsi Lagu Gali Doono Doorashada Somaliland
Aqoonsi Lagu Gali Doono Doorashada Somaliland

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay VOA-da ayaa sheegaya in la samayn doono kaarar cusub oo loogu talagalay doorashada Somaliland.

Kaararkan ayaa dadku ay kaga qayb qaadan doonaan doorashooyinka madaxwaynenimada ee ka dhici doonta Jamhuuriyadda la baxday Somalilanmd.

Wararkan xog-ogaalka ah ayaa sheegaya in go’aankan la gaadhay kadib markii uu booqasho ku tagay dalka Kenya guddoomiyaha Guddiga doorashada ee Somaliland Eng- Ciise Xamari .

Warqdahan aqoonsiga ayaa la samayn doonaa marka la helo tirada rasmiga ah ee is diiwaan galaiyay.

Khilaafka ka dhashay liiska dadkii isu diiwaan geliyay doorashooyinka madaxwaynenimada ayaa keenay in ay dhawr goor dib u dhacdo doorashadii madaxwaynenimadu

Warbixintan oo dhamaytiran oo uu diyaariyay wariyaha VOAda ee qaaradda Yurub ka dhegayso midigta sare ee boggan.

XS
SM
MD
LG