Warsaxaafadeed ay soo saartay hay’adda u doodda xuquuqda aadamaha ee Amnesty International ayaa sheegtay in mamnuucidda niqaabka ee uu Baarlamaanka Faransiisku soo rogay ay xad-gudub ku tahay dumarka xirta niqaabka.
Codbixin shalay oo Talaada ah dhacday ayaa Aqalka Hoose ee Baarlamaanka Faransiisku 336 Mudane ay ugu codeeyeen joojinta niqaabka halka hal mudane oo keliya ahi uu isagu diiday.
Sharcigan waxa uu dhaqan galayaa marka uu ansixiyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Faransiisku, kaas oo haddii uu dhaqan galo haweenaydii xirata lagu ganaaxi doono lacag u dhiganta 200 dollar.
Dhinaca kale raga lagu soo caddeeyo in haweenka ay qabaan ay ku khasbaan in ay niqaab xirtaan ayaa waxaa uu sharcigani dhigayaa in lagu ganaaxi doono lacag dhan 40,000 oo dollar iyo waliba ilaa sanad xarig ah.