Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada AMISOM oo muddo kordhin loo sameeyey


Ciidamada AMISOM
Ciidamada AMISOM

Midowga Africa ayaa 6 bilood oo kale ugu daray muddada ciidamada nabad ilaaliyayaasha ee AMISOM ee ku sugan Muqdisho, Somalia.

Midowgu Africa wuxuu kaloo codsaday in tageerro dheerad ah la siiyo dowladda ku meel gaarka ah ee dagaalka ku jirta.

Madaxa amniga iyo nabadda ee Midowga Africa Ramtane Lamamra ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay ku sheegay in intii ay ku jireen wadahadalada ay jireen taageero guud oo loo hayay in la cusbooneysiiyo xoogagga Africaanka ah ee Somalia jooga.

Xoogaggan oo markoodii ugu horreysay ahaa askar ka timid dadlka Uganda oo gaaray Somalia horraantii sannadkii 2007-dii ayaa waxaa weerarro joogto ah ku haya kooxaha islaamiyiinta ah, kuwaasoo dilay toboneeyo askar ah.

Nabad ilaaliyayaasha ayaa ku dhowaad 3000 ka yar intii loogu talo galay oo ahayd 8,000 oo ciidan, kuwaasoo waddamada ilaa iyo hadda ku deeqayna ay yihiin Ugandha iyo Burundi.

Midowga Africa ayaa sheegay in Djibouti ay qorsheyneyso inay dirto ciidan gaaraya 450, dalka Burundi-na waxaalagu wado in ciidamadiisa uu ku kordhiyo 800 oo askari oo dheeraad ah.

Uganda ayaa sidoo kale lagu wadaa inay dirto hal batalyan oo kale oo ciidan ah ugu dambeyn bisha March iyadoo ay gacan siineyso dowladda Maraykanka.

XS
SM
MD
LG