Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qalalaase Soo Wajahay Al-Shabab


Qalalaasaha Al-Shabab
Qalalaasaha Al-Shabab

Warar lagu kalsoon yahay oo aanu ka helnay buuralayda Golis ayaa sheegaya in qaar ka mid ah maleeshiyada Al-Shabab ee ka dagaalamayey buurahaasi ay sheegeen iny ku biirayaan ururka Daacish ee ka dagaalama dalalka Ciraaq iyo Siiriya. Tallaabadan waxay khilaafsan tahay mowqifka rasmiga ah ee hoggaanka Al-Shabab oo weli daacad u ah ururka Al-Qaacida.

Wararka aanu ka helnay ilaha sirdoonka Soomaalida iyo dadka degaanka waxay sheegeen in maleeshiyada Al-Shabab ee ku sugan buuraha Golis ay khamiistii go’aansadeenn inay bayco ama qanadaraas diini ah la galaan hoggaamiyaha ururka Daacish Abu Bakar Al-Baghdadi. Hadalkan waxaa ku dhowaaqay Sheekh Cabdulqaadir Muumin oo ka tirsan culimada Al-Shabab ee ku sugan degaankaas inkastoo aanu ahayn hoggaamiyaha Al-Shabab u idmatay degaankaas.

Wararka nasoo gaadhaya waxay intaas ku darayaan in Sheekh Cabdulqaadir Muumin uu tallaabadan ku wargeliyey hoggaanka Al-Shabab balse lagu gacan sayray.

Ilaa hadda ma cadda sababaha ka dambeeya go’aankan ay kooxdaasi qaateen, waxaase toddobaadyadii ugu dambeeyeyba soo baxayey kacdoon hoose oo ay samaynayaan xubnaha maleeshiyada darajadoodu hoosayso ee ka tirsan Al-Shabab oo doonayey in lagu biiro Daacish.

Dhinaca Koonfurta Soomaaliya Al-Shabab waxay tallaabadan uga jawaabtay inay qabqabato qaar ka mid ah dadkaasi. Warar ku dhow Al-Shabab ayaa VOA u xaqiijiyey in dadka la xidhay ay ka mid yihiin Maxamed Cabdullaahi Sardheeye oo hore dhinaca xisaabaadka lacagaha ugu qaabilsanaa ururka Al-Shabab magaalada Kismaayo iyo nin lagu magacaabo Khaalid Caytamow oo ka mid ah qaybta Dacwada ee Gobollada Jubbooyinka.

Wararka laga helayo ilaha sirdoonka ayaa sheegaya in sidoo kale la tuhunsan yahay in xubno ka tirsanaa xarakada ay u safreen dhulka ay ka taliyaan laamaha Daacish gaar ahaan waddanka Liibiya kadibna ay kusoo laabteen dalka Soomaaliya. Xubnahan waxaa la sheegay inuu ka mid yahay nin lagu magacaabo Aadan Xasan oo aan ilaa hadda la garaynayan meel uu ku sugan yahay balse si dhow ula shaqayn jiray garabka Al-Shabab ee buuraha Golis.

Tallaabadan ayaa timid iyadoo maalmihii lasoo dhaafay ay xubno ka tirsan faracyada Daacish ay soo saareen cajalado fiidiyow ah oo ugu baaqaya Al-Shabab inay ku biirto Daacish, arrintaas ilaa hadda Al-Shabab hoggaankoodu way ka dhego-furaysteen, mana cadda sida ay u saamayn doonto tallaabada ay qaadeen kooxda buuralayda Golis.

Roland Marchal oo ka tirsan Xarunta Cilmi-Baarista ee Paris oo wax ka qora arriimaha Al-Shabab ayaa shaki ka muujiyey in ay tani dhaqaajin doonto hoggaanka Al-Shabab.

Waxa uu sheegay inaanu fahmi Karin sida ay ay Al-Shabab ugu biiri karto Daacish xilli, ayna go’aan adag ku tahay sida ay uga bixi karaan baycada ay hore ula galeen ururka Al-Qaacida.

XS
SM
MD
LG