Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weli ka dhex dagaalamaya Hotel Villa Rays


Muqdisho
Muqdisho

Maleeshiyada ururka Al-Shabaab ayaa weli ka dhex dagaalamaya Hoteelka Villa Rays oo ku yaalla meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Weerarkan Al-Shabaab ayaa socda saacaddii 17-aad, waxaana ciidamada dawladdu ay weli wadaan hawlgalka ay doonayaan inay kula wareegaan gacan ku haynta hoteelka.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa soo tebinaysa in ugu yaraan 4 qof ay ku dhinteen weerarkan.

Booliiska Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamadu ay wadaan hawl ay kusoo af-jarayana weerarka.

Mas’uuliyiinta sare ee dawladda ayaan weli rasmi ahaan uga hadlin weerarka Al-Shabaab.

Dhinaca kale hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee ATMIS ayaa cambaareeyey weerarkan.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan sida lagu baahiyey qoraal lagu daabacay warbaahinta taageerta kooxda.

XS
SM
MD
LG