Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Al-shabab ee xarunta gobolka Benaadir


Xarunta Gobolka Banaadir
Xarunta Gobolka Banaadir

Qaraxyo iyo rasaas ayaa ka dhacay agagaarka xarunta Dawladda Hoose ee Gobolka Banaadir, sida ay sheegeen goobjoogeyaal ku sugan magaalada Muqdishu.

Ururka Al-Shabaab ayaa iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegeen inay weerarku ku bartilmaameedsadeen xarunta gobolka Banaadir ee Muqdishu oo ah xafiiska duqa magaalada.

Qaraxa ugu horreeyey ayaa ka dhacay dhabarka dambe ee xarunta gobolka oo ku wajahan suuqa Mogadishu Mall.

Goobjoogayaal ku sugan Muqdishu ayaa sheegay inay maqleen ilaa saddex qarax.

Ciidamada amniga ayaa la sheegay inay wadaan hawlgal. Dawladda Soomaaliya ayaan weli war rasmi ah kasoo saarin weerarkan.

Khasaare ayaa la sheegay inuu ka dhashay weerarkan.

Xarunta Gobolka Benaadir, ahna xafiiska Duqa Muqdisho waxaa weerar ku qaaday Al-Shabaab 24-kii July, 2019, markaas oo haweeney is qarxisay ay ku dhaawacday guddoomiyihii gobolka iyo duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Injineer Yarisow) oo maalmo yar kadib u geeriyooday dhaawaca kasoo gaaray qaraxaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee weerarka Al-shabaab ee xarunta gobolka Benaadir.mp3
please wait

No media source currently available

0:00 0:14:22 0:00

XS
SM
MD
LG