Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday Masagawaay


Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidamada dawladdu ay fashiliyeen weerar ay al-Shabaab kusoo qaadeen magaalada Masagawaay ee gobolka Galguduud ee maamul goboleedka Galmudug.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Warfaafinta ee dawladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in ciidamada dawladdu ay sii ogaayeen weerarka ay damacsanaayeen al-Shabaab, kadibna ay ka hortageen.

War-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ciidamada ay dileen in ka badan 30 ka tirsan maleeshiyaadka al-Shabaab, ayna qabsadeen saddex baabuur oo ay adeegsanayeen. Dawladdu waxay sheegtay saddex ka tirsan ciidamada dawladda inay ku dhaawacmeen weerarkaas.

Dhinaca kalena, maleeshiyaadka al-Shabaab ayaa dhinacooda sheegtay inay weerarka ay ku qaadeen Masagawaay iyo weerar kale oo dhabba-gal ah oo ay u gaysteen ciidamo gurmad ah oo ka yimid dhinaca Ceeldheer ay ku dileen 73 ka tirsan ciidamada dawladda.

Wararka ku saabsan dhimashada labada dhinac ayaan si madax-bannaan loo xaqiijin.

Dhinaca kale, hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS ayaa sheegay in ciidamada dawladda Soomaaliya iyo kuwa ATMIS ay qaadeen hawlgal wadajir ah oo ay kaga dabatagayaan maleeshiyaadka al-Shabaab ee Jimcihii weerarka kusoo qaaday taliska ciidamada ATMIS ee magaalada Buulo Mareer.

War ay ATMIS ay ku baahisay barta twitter-ka ayaa lagu sheegay in hawlgalkaas lagu dilay tiro door ah oo ka tirsan al-Shabaab, islamarkaana lagu soo furtay hubkii ay ka qaateen xerada ciidanka ee Buulo Mareer.

Madal

XS
SM
MD
LG