Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee Puntland


Al-Shabab 
Al-Shabab 

Maleeshiyada Al-shabaab ayaa waaberigii saaka weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee gobolka Bari ee Puntland, halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Puntland, waxaana weerarka uu ku billowday hoobiyeyaal iyo hubka fudud.

Waxaa lagu soo warramayaa in uu waagu isugu baryay ciidamad kooxdii weerarka ku qaadday iyo kuwa Puntland.

Goobjooge ku sugan tuulada Af urur ayaa VOA-da u sheegy in dagaalku uu wali ka socdo hadda meel u dhow tuulada Af-urur.

Ma aha markii ugu horreeyay ee kooxda Al-shabaab ay weeraraan deegaankaasi, iyadoo dhowr sano kahor weerar kan oo kale ah oo ay ku qaadeen ay ku dileen askar badan, islamarkaana ay muddo kooban kula wreegeen deegaanka.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa Faadumo Yaasiim Jaamac waxay ka waraystay Taliyaha Aaga Bari ee ciidanka dfaaca Puntland Gaashaanle Sare Siciid Nuur Shire oo ku sugan Tuulada Af urur, waxaana uu ugu horrayn ka hadlayaa khasaaraha ka dhashay weerarka.

Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaanka Af-urur ee Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:00 0:00

XS
SM
MD
LG