Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaadday saldhigga ATMIS ee Buulo Mareer


Al-Shabaab
Al-Shabaab

Maleeshiyada al-Shabaab ayaa la sheegay inay weerar xooggan ku qaadeen saldhigga ciidamada Midowga Afrika ee magaalada Buulo Mareer.

Weerarkan ayaa dhacay saacadihii hore ee Jimcaha maanta ah.

Laba ilo wareed oo mid ka tirsan yahay laamaha amniga ayaa VOA u sheegay in qaraxyo xiriir ah ay al-Shabaab ku weerareen saldhigga.

Xubin ka tirsan maamulka degaanka ayaa u sheegay VOA inay al-Shabaab galeen saldhigga ciidamada Uganda ee Buulo Mareer, iyada oo sidoo kale Al-Shabaab lagu arkay magaalada Buulo Mareer dhexdeeda.

Diyaarado ayaa la sheegay inay hawada ku jiraan, ilaa haddana ma cadda khasaaraha weerarka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay saldhigga “cagta mariyeen,” islamarkaana ay dileen 137 askari oo Ugandan ah, sheegashadaas oo aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin xilligan.

Warbixintan waxaa soo diray Mukhtaar Maxamed Catoosh.

Al-Shabaab oo weerar culus ku qaadday saldhigga ATMIS ee Buulo Mareer
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:56 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG