Kooxda al-shabaab ee dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhoweyneyso Muslim iyo Gaal, cid kasta oo daneyneysa inay u gargaarto dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku sugan deegaanada ay iyagu ka taliyaan.
Afhayeenka kooxda al-Shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage, ayaa sheegay in kooxdiisu ay dhistay guddi ka shaqeeya gurmadka abaaraha, kaasoo guddoomiye u ah Sheekh Xuseen Sheekh Cali Fiidow, oo ka tirsan masuuliyiinta al-Shabaab.
Afhayeenka al-Shabaab wuxuu sheegay in guddigaasi uu mas’uul ka noqonayo la shaqeynta cid kasta oo dooneysa inay hawlo samafal ka fidiso deegaanada ay ka taliyaan.
Al-Shabaab ayaa sanadkii hore ka mamnuucday hay’adaha samafalka inay ka hawlgalaan deegaanada ay ka taliso ee bartamaha iyo koonfurta Soomaaliya.
Go'aankan al-Shabaab ayaa ku soo beegmaya iyadoo uu sii kordhayo dadka ka barakacay abaaraha ku dhuftay gobollada ay al-Shabaabku ka taliyaan.