Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Ittihad oo ku guuleystay horyaalka Sacuudiga, Ronaldo iyo Al-Nassr oo fara-marnaan ku dhammeystay


FBL-KSA-ITTIHAD-NASSR
FBL-KSA-ITTIHAD-NASSR

Kooxda Al-Ittihad ayaa markii ugu horreysay ku guuleystay horyaalka Saudi Pro League tan iyo 2009-kii kadib markii ay 3-0 kaga badiyeen kooxda Al-Feiha Axaddii, taasoo ka dhigan in fara marnaan ay noqto kooxda Cristiano Ronaldo ee Al-Nassr.

Daqiiqadii 3-aad gool uu dhaliyay Ahmed Sharaxili iyo labo gool oo uu u dhaliyay Romarinho ayaa guusha u xaqiijiyay kooxda Al-Itixaad.

Kooxda magaalada Jeddah ayaa leh 69 dhibcood, waxayna shan dhibcood ka sarreysaa Al-Nassr oo barbardhac 1-1 ah la gashay Al-Ettifaq, iyadoo hal kulan uu u harsan yahay.

Tababarihii hore ee Tottenham Hotspur iyo Wolverhampton Wanderers Nuno Espirito Santo ayaa ku guuleystay horyaalkiisii ugu horreeyay ee Sacuudi Carabiya. Waa horyaalkii sagaalaad ee Ittixaad ay qaaddo.

Ronaldo ayaa xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee horyaalka Sacuudiga ku dhamaysan doona faro marnaan iyo abaal marin la'aann kadib markii uu kooxda kusoo biiray bishii January.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG