Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Agaasime cusub oo loo magacaabay Villa Somalia


Cabdixakiim Maxamed Yuusuf
Cabdixakiim Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdixakiim Maxamed Yuusuf inuu noqdo agaasimaha guud ee madaxtooyada Soomaaliya.

Cabdixakiim ayaa beddelaya Xuseen Sheekh Maxamuud oo xilkaas iska casilay shanti bishan August.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada, Cabdixakiim ayaa ahaa la-taliyaha dhinaca siyaasadda ee madaxweynaha.

“Waxa uu leeyahay khibrad shaqo oo kor u dhaafaysa 20 sanadood oo ku aaddan dhinacyada horumarinta hay’adaha dowladda, maamul-wanaagga, tayeynta dowlad-goboleedyada iyo bulshada ay colaaduhu saameeyeen iyo xuquuqda aadanaha,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Madal

XS
SM
MD
LG