Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afwerki, Siisi iyo Xasan Sheekh oo ku kulansan Asmara


Xasan Sheekh, Afwerki, Siisi
Xasan Sheekh, Afwerki, Siisi

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Arbacadii shalay booqasho ay uga billaabatay dalka Eritrea, xilli ay jirto xiisadda kacsan ee gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan xiriirka Muqdisho iyo Addis Ababa oo aad u xumaaday.

Dhiggiisa Masar Abdel Fattah al-Sisi -- oo dawladdiisu ay Soomaaliya kula safan tahay is-mari waaga Itoobiya -- ayaa sidoo kale maanta gaaray Asmara, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xafiiska Sisi.

Xasan oo goor dambe oo Arbacadii ah gaaray Asmara ayaa waxaa u billowday booqasho saddex maalmood ah oo uu ku casuumay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki, isagoo hoggaaminaya wafdi uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi, sida ay Wasaaradda Warfaafinta Eritrea ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay X.

Waxa ay sheegtay in labada hoggaamiye ay ka wadahadli doonaan wanaajinta xiriirka laba geesoodka ah iyo “arrimaha gobolka iyo kuwa caalamiga ah ee labada dal danta u ah”.

Xafiiska Sisi ayaa sheegay in booqashadiisa Asmara ay diiradda saari doonto sidii loo dhisi lahaa xiriirka Eritrea iyo in uu wax ka qabto “dadaallada lagu dhisayo xasilloonida iyo amniga Geeska Afrika iyo Badda Cas, hab taageersan horumarka una adeegaya danaha shucuubta gobolka.”

Sida ay sheegtay wasaaradda warfaafinta Eritrea, saddexda hoggaamiye ayaa yeelan doona shir madaxeed saddex geesood oo looga hadlayo xoojinta xiriirka saddexda dal iyo sidoo kale arrimaha amniga iyo xasilloonida gobolka.

Xiisada Geeska Afrika ayaa cirka isku sii shareertay tan iyo markii Itoobiya ay bishii Janaayo heshiis muran badan dhaliyey la saxiixatay maamulka Somaliland, kaasi oo siinaya marin badeed ay muddada dheer raadineysay.

Heshiisku ayaa dhigayaa in Itoobiya oo aan bad lahayn ay Somaliland ka kiraysato dhul xeebeed ay ka sameysato saldhig ciidan iyo deked, balse waxa uu ka caraysiiyey dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa ku falcelisay in ay ku dhowaato Masar oo ay is-hayaan Itoobiya, ayada oo labada dal ay saxiixeen heshiis militari oo weyn bishii August.

Qaahira ayaa waxya muddo is-hayeen Addis-Ababa, sababo la xiriira biyo-xireenka Dib u Curashada Weyn ee Itoobiya ay ka sameysay webiga Nile, kaasi oo ay sheegtay inuu halis ku yahay biyaha soo gaara.

Xiriirka Addis Ababa iyo Asmara ayaa sidoo kale dhowaanahan sii xumaanayey, inkasta oo ciidamada Asmara ay ku taageereen ciidamada dawladda Itoobiya dagaalkii arxan darrada ahaa ee 2020-2022 ee ka dhanka ahaa fallaagada Tigrayga.

Bishii hore shirkadda Ethiopian Airlines waxay sheegtay inay joojinayso duullimaadyadii ay ku tagi jirtay Asmara sababo la xiriira "xaalado shaqo oo adag".

Eritrea oo loogu yeero "Kuuriyada Waqooyi" ee Afrika, waxaa gacan bir ah ku maamulayay Isaias tan iyo markii ay si rasmi ah ugu dhawaaqday inay ka go'day Itoobiya 1993-kii kadib in ka badan 30 sano oo dagaal ah.

Madal

XS
SM
MD
LG