Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afghanistan: Qof isku-Qarxiyay Xaflad Aroos

Qof isa-soomiidaayay ayaa isku qarxiyay xaflad aroos oo ka socotay waqooyiga dalka Afghanistan.

Weerarkaasi is-qarxinta waxaa ku dhuntay ugu yaraan 20 qof.

Dadka dhintay waxaa ku jira Axmed Khan Samangani oo ah abaanduulle sidoo kalena xubin ka ah baarlamaanka.

Gabadha aroosanaysay waxaa dhalay Axmed Khan.

Kooxda Taliban way beenisay inay ka danbeysay weerarka.

Madaxweynaha Afghanistan, Hamid Karzai ayaa canbaareeyay weerarkaasi.

This item is part of
XS
SM
MD
LG