Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Afar Ku Dhimatay Gaari Qallibmay


Afar Ku Dhimatay Gaari Qallibmay
Afar Ku Dhimatay Gaari Qallibmay

Gaariga rogmadey oo noociisu yahay kuwa loo yaqaano Inetereega ayaa waxa uu sidey badeecado ganacsi oo ku sii jeedey degmada Qalaafe ee Ismaamulka Somalida Ithiopia.

Dadka dhintey ayaa dhamantood lagu soo warramayaa inay ku dul fariisteen fuustooyin shidaal ah oo gaariga saaraa. Dadka dhaawacmay ayaa iyagana la gaarsiiyey cusbitaalka Beledweyn si loogu daweeyo.

Waa shilkii labaad oo mudo ka yar todobaad ka dhaca deeganada hoos taga gobolka Hiiraan, kasoo geytey qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta badan shilalkan gawaarida ayaa waxaa loo aaneeyaa gaadiidka oo la saaro xamuul ka tan badan iyo wadooyinka oo burbursan.

XS
SM
MD
LG