Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abwaan Cali Sugulle Cigaal Oo Geeriyooday


A general view of Dubai Marina, in Dubai, United Arab Emirates, May 23, 2015.
A general view of Dubai Marina, in Dubai, United Arab Emirates, May 23, 2015.

Abwaanka ayaa waxa uu ku geeriyooday dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta oo uu in muddo ah ku xanuunsanaa.

Allaha u naxariistee, waxaa maanta magaalada Shaariqa ee Imaaraadka Carabta ku geeriyooday abwaanka Soomaaliyeed ee caanka ahaa Cali Sugulle Cigaal (Dun Carbeed).

Allaha u naxariistee abwaan Cali Sugulle ayaa ku xanuunsanayay in muddo ah waddanka isutagga Imaaraadka Carabta.

Cali Sugulle, ayaa la qorsheynayaa in Arbacada loo qaado Somaliland, si halkaasi loogu aaso sida uu VOA u sheegay Suldaan Axmed Maldiini oo ka mid ahaa raggii isbitaalka ku hayay abwaanka geeriyooday.

Jamaal Axmed Cismaan, ayaa qadka Telefoonka kula xiriirey Suldaan Axmed Maldiini oo uu weydiiyay xilliga uu dhintay Abwaan Cali Sugulle Dun Carbeed.

Abwaan Cali Sugulle oo geeriyooday
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:58 0:00

Abwaan Cali Sugulle ayaa sugaantiisi ay ahayd mid qota dheer, sida uu VOA-da ugu warramay Bashiir Sheekh Cumar Good oo ah aqoonyahan u kuur gala suugaanta Soomaaliyeed, qoraalna ka sameeyay sugaanta Cali Sugulle. Xuseen Barre ayaa khadka tilifoonka ee magaaladan Washington ku warreystay.

Taariikhda Cali Sugulle
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:05:31 0:00

XS
SM
MD
LG