Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxda dalalka Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya oo Muqdisho soo gaaray


Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti
Madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Jabuuti

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, Ra'isul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa goor dhaweyd soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka Soomaaliya iyo dalalka safka hore ee dariska ah.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegtay in shirkan muhiimaddiisu ay tahay taageerada dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, iyo sidii si wadajir ah ay dalalka safarka hore uga qeyb qaadan lahaayeen howlalka militari ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Shir madaxeedka ayaa sidoo kale looga hadli doonaa in si wadajir ah looga hortago khatarka “Khawaarijta baxsadka ay ku keeni karaan nabadgelyada gobolka, iskaashi buuxda oo ay yeeshaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Midowga Afrika ee ATMIS iyo Ciidanka aan ATMIS ka tirsaneyn ee Soomaaliya jooga.”

Shirkan maanta waxaa ka horeeyey mid shalay ka dhacay isla magaalada Muqdisho oo ay ka qeyb galeen wasiirradda gaashaandhigga iyo taliyeyasha ciidamada ee dalalka safka hore iyo Soomaaliya.

Dowladda federaalka, oo kaashaneysa shacabka, ayaa muddo dhowr bil ah dalka ka wadday dagaal ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, oo maleeshiyada kooxdan looga saaray degaano badan oo ka tirsan gobollada Hiiraan, Mudug iyo Shabeellaha Dhexe.

XS
SM
MD
LG