Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abaalmarin Loo Yaboohay Dilka Imaam Masjid


Golaha xiriirada Islaamiga ah ee Mareykanka ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaan CAIR ayaa ballan qaaday 10,000 oo dollar oo la siinayo ciddii keentay akhbaar ku saabsan dadkii ka dambeeyey dilka Imaam masjid oo lagu dilay magaalada New York.

Maulama Akonjee oo 55 jir ahaa iyo Thara Uddin oo ka mid ah culimada masjidka ayaa waxaa toogtay qof baxsaday salaaddii casar ee sabtidii kadib ayaga oo masjidka kasoo baxay.

“Waxaan rajeeneynaa in ballan qaadka abaal marin uu hogaamin doono inlasoo xiro oo dambiga lagu helo qofka ka dambeeyey dambigan fool xumada badan” Waxaa sidaas yiri agaasimaha CAIR Nihad Awad.

Waxa uu sheegay inuu rajeynayo in marka lasoo xiro qofka arrintan ka dambeeyey kadib la ogaado sababta uu sidan u sameeyey.

Qaar ka mid ah dadka ku tukada masjidka Al-Firqan Jame ee dhacdadan ay saameysay ayaa sheegay in ficilkan uu yahay ficil naceyb ku dhisan.

Boqol qof oo ka mid ah dadka masjidka ku tukada ayaa banaanbax ay dhigeen waxay ku dalbadeen caddaalad.

XS
SM
MD
LG