Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Sheekh Aadan Madoobe” ayaa cambaareeyey qaraxii shalay lala beegsaday ciidamada dawladda ee ku sugnaa Kulliyadda Jaalle Siyaad ee Muqdisho.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in weerarkaas uu ka dhashay mas’uuliyad darro.
"Meesha shalay raggaasi lagu baabi'iyay, lagu qarxiyey meel la iska imaan karo ma aha, meel caadi ah ma aha,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.
Waa uu intaas ku daray inuu jiro shaki weyn oo ku saabsan habka weerarkaas u dhacay, islamarkaana ay jiraan “qaa’imiin fududeeyey” weerarka, sida uu hadalka u dhigay.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku baaqay in loo baahan yahay in baaritaan lagu sameeyo sida ay wax u dhaceen. “Waxaan sugayaa jawaab cad oo lagu qanci oo ku saabsan arrintan raadkeeda waxa ay tahay,” ayuu yiri.
Qaraxan ayaa waxaa gaystay qof isa soo miidaamiyey, waxaana mas’uuliyaddiisa sheegtay ururka al-Shabaab.
Qaraxa waxaa ku dhinttay 25 ka tirsan ciidanka, waxaana ku dhaawacantay 72 askari.
Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Cabdulqaadir OK.
Madal