Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aadan Madoobe oo loo doortay Afhayeenka Golaha Shacabka ee Soomaaliya


Sh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya
Sh Aadan Madoobe, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya

MUQDISHU - Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) ayaa loo doortay inuu noqdo guddoomiyaha golaha shacabka ee Soomaaliya isaga oo helay codad gaadhaya 163 wuxuuna ka adkaaday Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur oo ah wasiirka tamarta iyo khayraadka biyaha ee Soomaaliya, kaas oo helay codad gaadhaya 89 cod.

Xildhibaan Xasan Cabdi Nuur ayaa hambalyeeyey guddoomiyaha cusub ee loo doortay golaha shacabka, isaga oo sheegay inuu ku qanacsan yahay habka doorashadani u dhacday oo uu ku sheegay inay tahay doorasho xor ah oo xalaal ah.

Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ayaa isla markiiba la dhaariyey isagoo haatan wixii ka dambeeya la wareegaya masuuliyadda hoggaaminta golaha shacabka.

Doorashada Guddoomiyaha ayaa soo dhamaatay 2:30 habeenimo, wakhtiga magaalada Muqdisho, waxaana la soo xidhay fadhigii golaha shacabka iyada oo maalinta berri ahna loo ballamay in la sii ambaqaado doorashada guddoomiye ku xigeenada.

Aadan Madoobe waa siyaasi mucaarad ah oo caan ah. Waxa uu ahaa Xoghayihii Guud ee Urur-siyaasadeedka Himilo kaas oo uu iska casilay bishan April 19-keedii, ka dib markii uu go'aansaday inuu u tartamayo jagada afhayeenka golaha shacabka. Musharax Xasan Cabdi Nuur, Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ayaa isagana loo tirinayey dhinaca madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Aadan Madoobe ayaa hore u soo qabtay xilka afhayeenka baarlamaanka, intii u dhexeysay sannadihii 2007 illaa 2010. Sidoo kale wuxuu soo qabtay xilal wasiirnimo oo ay ka mid yihiin Wasaaradaha Caddaaladda iyo Ganacsiga.

Doorashada Guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka ayaa soo afjaray, muddo ka badan hal sano oo ay dalka ka jireen murano siyaasadeed oo hadheeyey arrimaha doorashooyinka, waxaana haatan wixii ka dambeeya la filayaa in loo diyaargaroobo doorashada madaxweynaha Soomaaliya oo ah tan ugu xasaasisan.

XS
SM
MD
LG