Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aadan Madoobe oo amar siiyey taliyeyaasha ciidamada


Aadan Madoobe
Aadan Madoobe

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida.

Sida lagu sheegay qoraal lasoo dhigay barta golaha shacabka u uku leeyahay Facebook, kulanka ayaa waxaa diiradda saaray xaaladda amniga doorashada dalka.

Waxaa sidoo kale qoraalka lagu sheegay in saraakiisha ciidanka looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne.

Ma cadda waxa ay saraakiisha uga jawaabeen hadalka guddoomiyaha.

Kulankan ayaa imanaya ayada oo la filayo in dhowaan lagu dhowaaqo xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo la filayo inay noqoto daba-yaaqada bishan.

Doorashooyinka Soomaaliya ayaa waxaa horey u hareeyey Murano la xiriira amniga ayada oo ay ugu dambeysay tii guddoonka golaha shacabka, oo taliyaha booliska Jeneraal Cabdi Xasan Xijaar uu codsaday in dib loo dhigi balse lagu gacan sayray.

XS
SM
MD
LG