Afar kulan oo ka tirsanaa lugta koowaad ee Koobka Kooxaha Horyaallada Yurub ayaa xalay dhacay, iyadoo ay guul taariikhi ah ciyaarahaasi ka soo hoysay Arsenal.
Kooxda reer London ayaa 7-1 ku garaacday naadiga PSV Eindhoven ee dalka Holland. Guushaasi ayaana gashay taariikhda kooxda Arsenal ee tartankan, kaddib markii ay noqotay guushii ugu cuslayd ee ay abid kasoo hoyso iyada oo ku ciyaareysa meel ka baxsan garoonkeeda.
Ciyaarta oo ka dhacday garoonka Philips Stadion ee kooxda PSV, ayaa Arsenal waxaa goolasha u kala dhaliyay Jurrien Timber, Ethan Nwaneri, Mikel Merino, Leandro Trossard, Riccardo Calafiori iyo Martin Ødegaard oo laba gool dhaliyay, halka goolka calanka ee PSV uu rigoore ugu dhaliyay Noa Lang.
Kooxaha kale ee guulaha gaaray waxaa ka mid ahaa, Real Madrid oo 2-1 ku martay kooxda ay mataanaha yihiin ee Atletico Madrid. Goolasha waxaa Real u kala dhaliyay Rodrygo iyo Brahim Díaz, halka goolka kaliya ee Atletico uu saxiixay Álvarez.
Aston Villa 3-1 ayay ku dardartay Club Brugge, waxaana goolasha kala qeybsaday Leon Bailey, Brandon Mechele oo kooxdiisa Brugge gool ka dhaliyay iyo Marco Asensio, halka Club Brugge uu goolka u keenay Maxim De Cuyper.
Kooxaha Borussia Dortmund iyo Lille, waxay isku mari waayeen 1-1.
Caawa afar kulan oo kale ayaa dhici doona, waxayna kooxuhu isu arki doonaan sidan:
Feyenoord v Inter
Bayern Munich v Bayer Leverkusen
Benfica v Barcelona
Paris Saint-Germain v Liverpool
Madal