Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa caawa oo Talaado ah 9:00 PM, xilliga saacadda bari ee Mareykanka, ama 5:00 AM subaxa Arbacada ee xilliga Muqdisho, wuxuu khudbad ka hor jeedin doona Congress-ka, isagoo soo gunaanadaya mid ka mid ah toddobaadyadii ugu cawaaqibka badnaa ee madaxweyne kasta oo cusub.
Khudbadda oo sanadahaaan doorashada lagu guda jirin loogu yeero Xaaladda Qaranka (State of the Union) ayaa siin doonta Trump fursad uu si rasmi ah ugu soo bandhigo aragtidiisa ku aaddan dhaqaalaha Maraykanka iyo siyaasadda socdaalka.
Waxa kale oo ay u gogol xaari doontaa inuu difaaco go’aannadiisii muranka dhaliyay ee la xiriiray dhimista shaqaalaha federaalka iyo khilaafkiisa Madaxweynaha Ukraine, Volodymyr Zelenskyy.
Si kastaba ha ahaatee, caqabadaha ugu waaweyn ee Trump horyaalla ayaa ah inuu mideeyo aqlabiyadda Jamhuuriyiinta ee Aqalka Wakiillada iyo Senetka si ay u ansixiyaan miisaaniyad lagu maalgelinayo dowladda wixii ka dambeeya waqtiga kama dambaysta ah ee Maarso 14.
Xisbiga Jamhuuriga ayaa kala qeybsan, iyadoo qaar ay taageersan yihiin dhimista barnaamijyada daryeelka bulshada sida Medicaid, oo bixisa caymis caafimaad ee dadka dakhligoodu hooseeyo, si loo yareeyo deymaha dalka, loona maalgeliyo kordhinta canshuur-dhimisyadii la meel mariyay xilligii Trump ee 2017.
Trump ayaa ku baaqay in la dejiyo “hal sharci weyn oo dhameystiran” si loo hirgeliyo qorshihiisa siyaasadda gudaha.
"Waxaa naga horreeya shaqo adag, balse waxaan fulin doonnaa ajandaha ‘America First’," ayuu yiri Afhayeenka Aqalka Wakiillada, Mike Johnson, asbuucii hore. "Waxaan gaarsiin doonnaa gebi ahaantiis, ma ahan qeyb ka mid ah."
Dhanka kale, Dimuqraadiyiinta ayaa si weyn u dhaliilay miisaaniyadda, iyagoo ku eedeeyay in ay u adeegayso danaha dadka hantida leh.
"Ha shaki gelin, miisaaniyaddan waxay duufsataa waayeelka, carruurta iyo dadka naafada ah, si ay u sii kobciso hantida dadka taajiriinta ah," ayuu yiri hoggaamiyaha aqlabiyadda Dimoqraadiga ee Senetka, Chuck Schumer.
Trump oo ka hadlaya canshuuraha ganacsiga
Trump ayaa la filayaa inuu khudbaddiisa kaga hadlo sababaha Maraykanku u saaray canshuuraha ganacsiga dalal kale. Wuxuu xaqiijiyay in 25% canshuuro ah lagu soo rogi doono Canada iyo Mexico Talaadadii.
"Waa inay canshuur bixiyaan," ayuu Trump u sheegay warfidiyeenada Isniintii. "Sidaas darteed, waxa ay tahay inay warshadahooda baabuurta iyo waxyaabaha kale ku dhisaan gudaha Maraykanka, markaas wax canshuuro ah ma jiri doonaan."
Si kastaba ha ahaatee, falanqeeyayaal dhanka ganacsiga ah ayaa qaba aragti ka duwan tan Trump.
"Waxa dhici doonta, sida ugu badan, waa in shirkadaha wax soo saara ay u guuraan dalal kale oo aan la saarin canshuurahan, ama ay helaan siyaabo kale oo ay uga fogaadaan," ayay tiri Shannon Bow O’Brien, oo ah bare-sare ka tirsan Jaamacadda Texas ee Austin.
"Shirkaduhu waxay badeecadohooda u wareejin doonaan dalal kale, kadibna halkaas ayay kasoo dhoofin doonaan si ay uga fogaadaan canshuuraha. Waxa kale oo dhici karta in wadamo kale ay alaabtooda si xad-dhaaf ah u jabiyaan, taasoo keeni karta in qiimaha badeecaduhu halkooda sii ahaadaan, xitaa marka canshuuraha la saaro. Sidaas darteed, ma rumeysni in qorshaha Trump uu keeni doono in warshaduhu ay dib ugu soo laabtaan Maraykanka," ayay raacisay O’Brien.
Trump oo diiradda saaraya socdaalka iyo arrimaha dibadda
Muddo xafiis-joogiisa koowaad, Trump waxa uu saxiixay amarro madaxweyne oo wax ka beddelaya siyaasadda socdaalka, taasoo ahayd mid ka mid ah qodobadii ugu muhiimsanaa ee ololihiisa doorashada.
Waxaa la filayaa inuu khudbaddiisa diiradda ku saaro xoojinta amniga xadka uu Maraykanku la wadaago Mexico.
Trump waxa kale oo uu ka hadli karaa abuurista Waaxda Waxtarka Dowladda (Department of Government Efficiency), oo loo soo gaabiyo DOGE, taasoo uu hoggaaminayo bilyaneerka Elon Musk.
Inkasta oo khudbadaha madaxda Maraykanka ee Congress-ka ay inta badan diiradda saaraan arrimaha gudaha, haddana waxaa la filayaa in Trump uu taabto arrimo dibadda la xiriira oo muhiim ah.
Kadib kulan uu la yeeshay Zelenskyy Jimcihii lasoo dhaafay, Trump wuxuu sheegay inuusan dareemin in Ukraine ay si ku filan u qiratay kaalinta dhaqaale ee Maraykanka ee gaareysa ku dhawaad $200 bilyan, taasoo lagu bixiyay dagaalka uu Ruushku ku qaaday dalkaasi 24-kii Febraayo 2022.
Trump ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka hadlo xabbad-joojinta Gaza iyo qorshihiisa la xiriira maalgashiga iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaale ee gobolka ay colaadaha halakeeyeen.
Senator Elissa Slotkin, oo hore uga soo shaqeysay CIA-da, ayaa la qorsheeyay inay jeediso jawaabta xisbiga Dimoqraadiga ee khudbadda Trump. Slotkin oo kasoo baxday gobolka Michigan, ayaa guul ku hantiday ololaha ay diiradda ku saartay arrimaha dhaqaalaha.
Warbixintan waxaa gacan ka geysatay VOA’s Kim Lewis.
Madal