Iyadoo dalalka caalamka ay wajahayaan khataro sii kordhaya oo la xiriira masiibooyinka cimilada, urur goboleedka IGAD, oo ay ku bahoobeen dalalka Geeska Afrika, ayaa la kaashanaya hay'adaha gargaarka si loo horumariyo barnaamij loogu talagalay ka hortagga masiibooyinka.
Barnaamijkan ayaa xoojinaya nidaamyada digniinta iyo maaraynta khataraha ee siddeedda waddan ee xubnaha ka ah IGAD.
Wariyaha VOA, Juma Majanga, ayaa warbixintan nooga soo diray Nairobi, Kenya. Xuseen Maxamed ayaa faahfaahinta inoo haya.
Madal