Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xaaladda qoysas ka barakacay dagaalka Puntland iyo Daacish


Ciidamada Puntland
Ciidamada Puntland

Maamulka Puntland ayaa sheegay in 10 kun oo qoys ay ka soo barakaceen dagaalka u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ee ka socda buuraleyda Cal-Miskaad ee gobolka Bari.

Mas’uuliyiinta Puntland ayaa ururka Daacish ku eedeeyay cabburin iyo barakac ay u geysteen dadka deegaannadaasi ku noolaa.

Dadka soo barakacay ayay Puntland sheegtay in hadda ay ku sugan yihiin deegaanno nabad ah oo hoostaga gobolka Bari ee Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka Puntland, Axmed Siciid Qolonbi, ayaa sheegay in dadkaasi aysan haysan cunto ku filan, balse ay wadaan dadaal ku aaddan sidii loogu gurman lahaa. Waxa uu u warramay wariyaha VOA ee Boosaaso, Yuusuf Maxamuud Yuusuf.

Halkan ka dhageyso wareysiga Wasiir-ku-xigeenka Gargaarka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:35 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG