Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo canshuur kordhin 25% saaray Colombia


Madaxweyne Donald Trump ayaa Axaddii shalay sheegay, in maamulkiisa uu saari doono canshuur dhan 25% badeecadaha ay Colombiya u soo dhoofiso dalkaan Mareykanka, kaddib marki ay dowladda Colombia ay u diidday in ay hawadeeda soo galaan laba diyaaradood oo uu leeyahay millatariga Mareykanka, kuwaas oo wada muwaadiin u dhashay Colombia oo laga soo tarxiilay Mareykanka.

Madaxweynaha Colombiya Gustavo Petro oo arrintan ka jawaabaya ayaa isna sheegay, in dowladdiisu ay tacriif gaareysa boqolkiiba 25 dul dhigeyso wax soo saarka Mareykanka uu u dhoofiyo Colombia.

Haddaba, arrintan ayaan ka wareystay, Feysal Deri oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga Mareykanka, kana faallooda arrimaha siyaasadda Mareykanka, isla markaana ku nool gobolka Minnesota.

Trump oo canshuur kordhin 25% saaray Colombia
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:30 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG