Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qalliinka wadnaha furan oo markii ugu horreysay lagu sameeyay Soomaaliya


Kalkal Hospital
Kalkal Hospital

Isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho, ayaa shalay marki ugu horreysay laga fuliyay qalliinka wadnaha furan, kaas oo ay dadka Soomaalida intooda awoodda ay u aadi jireen dibadda.

Qalliinnadi u horreeyay ayaa waxaa lagu sameeyay laba canug oo yar yar oo Soomaali ah. Waxaana fuliyay dhaqtar u dhashay dalka Talyaaniga.

Mashruucan ayaa waxaa fulintiisa iska kaashaday hay’adda samafalka ee Hormoud Salaam Fundation iyo Isbitaalka Kalkaal ee magaalada Muqdisho. Haddaba, arrintan ayuu Cabdulqadir Samakab ka wareystay, Cabdulaahi Nuur Cusmaan oo ah gudoomiyaha Hormuud Salaam Foundation.

Qalliinka wadnaha furan oo marki ugu horreysay lagu sameeyay Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:16 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG