Waxaa maanta magaalada Mudishu si rasmi ah looga daahfuray Nidaam casri ah oo ay hirgelintiisa iska kaashadeen bankiga Dhexe ee Soomaaliya iyo Bangiyada gaarka loo leeyahay, nidaankaas oo fududeyn doona adeegyada maaliyadeed ee dalka, iyada oo la isticmaalayo taleefonka gacanta.
Nidaamkan oo magiciisu noqon doono SIPS, ayaa sida khubrada ka soo shaqeysay ay sheegeen wuxuu isku xirayaa lacag-bixinta bangiyada kala duwan, iyada oo loo isticmaali doono wax kala iibsiga, lacag-dirista, iwm.
Hanaankan SIPS wuxuu u faaโiideyn doonaa sida khubaradu sheegtay in dhammaan qaybaha bulshada iyo guud ahaan dhaqaalaha dalka tusaale ahaan:
-๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ (๐๐๐๐๐๐ฆ๐ข๐ข๐ฌ๐ก๐): Waxay heli doonaan fursad ay lacag si fudud udiraan, ama wax ku iibsadaan, iyagoo isticmaalaya taleefannadooda gacanta isla-markaana aan wax dhib ah kala kulmin haddii qofka ama ganacsiga ay lacagta u dirayaa leeyahay bangi kooda ka duwan.
-๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ฒ๐๐๐: Waxay heli doonaan nidaam lacag-bixin casri ah, oo fududeynaya in macaamiishoodu wax ku iibsan karaan taleefonkooda gacanta xitaa haddii ay leeyihiin bangi ka duwan kan ganacsaduhu isticmaalo.
-๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐๐๐๐: Waxay u suurta galinaysaa inay nidaamka SIPSu isticmaalaan lacag-bixinta degdegga ah, sida uruurinta cashuuraha iyo khimadaha adeegyada dowladda iyo bixintamushaarooyinka, iwm.
-๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐ฎ๐ฎ๐: Nidaamkan wuxuu taageerayaadhaqaalaha โdigital-kaโ ah, isagoo yareynaya caqabadahalagala kulmo lacag-bixinta, islamarkaana dadka oo dhansiinaya fursad ay qeyb uga noqon karaan adeegga maaliyadda (access to financial services).
Qoraal lagu faahfaahinayo Nidaamka lacageed oo lagu soo bandhigay daahfurkii Mashruucan ayaa lagu soo koobay faaโidooyinka SIPS, sida:
- Lacag-bixin degdeg ah, ammaan ah, iyada oo la adeegsanayo taleefonka gacanta.
- Isku xirnaanta bangiyada iyo adeega mobile money/mobile wallet.
- Fududeynta wax kala iibsiga ganacsatada iyo dadka shacabka ah
- Kobcinta dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo yareynta khatarahamaaliyadeed
Munaasabadda daahfurka SIPS waxaa xarig jaray Raโisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, iyadoo ay ka qeyb galeen masโuuliyiin kale ka kala socday Wasaaraddaha Maaliyadda, Isgaarsiinta iyo Bangiga Dhexe ee Soomaaliya.
idoo kale waxaa ka qeyb galay Ganacsato iyo masuuliyiin ka socday rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, Bangiyada dalka, Xawaalada iyo Isgaarsiinta.
Madal