Qaar kamid ah dumarka kujira Baarlamaanka Soomaaliya iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa arrimaha haweenka ayaa walaac xooggan ka muujiyay guurka khasabka ah iyo xadgudubyada gabdhaha da’da yar ay kula kacayaan kooxda Alshabaab.
Walaaca haweenkan ayaa yimid kadib markii dhowaan maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya la horkeenay gabdho yar yar oo da;dooda ay u dhexeyso 14 ilaa 17 jir kuwaasoo loo tahriibinayay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud oo ay ku sugan yihiin rag ka tirsan Alshabaab oo loo guuriyay siday sheegeen.
Warbixin ku saabsan xaaladda gabdhaha iyo qeyla dhaanta dumarka waxaa noo haaya Cabdulqaadir Maxamed Samakaab.
Madal