Masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa ka hadlay shirkii ka socday dalka Turkiga ee lagu dhexdhexaadinayey Soomaaliya iyo Ethiopia.
Wasiirka arrimaha debedda ee Soomaaliya ayaa bartiisa X ku xaqiijiyey in shirku uu soo dhamaaday, isla markaana in loo ballamay kulan labaad.
"Waxaa soo dhamaaday wareegii labaad ee wadahadalka innoo dhexeeyey annaga [Somalia] iyo dawladda aan deriska nahay" ayuu yidhi wasiir Fiqi.
Wasiirka ayaa dalka Turkiga uga mahadnaqay doorkii ballaadhnaa ee ay ka ciyaareen in xal laga gaadho, khilaafka u dhexeeya labada dal ee ku salaysan, heshiiskii isfahamka ahaa ee dhexmaray Ethiopia iyo Somaliland.
"Mahad ballaaran [ayaan u soo jeedinaynaa] walaaleheen Turkiye oo dadaal weyn ku bixiyey, gogosha saddexaadna dalkooda ayaa lagu qaban doonaa" ayuu sii raaciyey.
"Soomaaliya mowqifkeedu waa hal mid, oo aan aqbalaynin "ku qabso ku qadi mayside" ayuu ku soo gebagebeeyey qoraalkiisa.
Illaa haatan dawladaha Ethiopia iyo Turkigu war rasmi ah kama soo saarin kulankan
Madal