Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Biyo balaadhin laga sameeyey magaalada Hargeisa


Hargeysa
Hargeysa

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Hargeisa oo mudo dheer ka cabanayay biyo la'aan iyo xaafadaha qaar oo aan waligood ka cabin biyo uga soo dhaca qasabadahooda ayaa todobaadkan aad u soo dhaweeyay war ka soo baxay wakaaladda biyaha Hargeisa oo sheegayay in la dhamaystiray 4 kayd oo cusub oo waaweyn isla markaana dhammaan xaafaha Hargeisa gaarsiin kara biyo ku filan.

Maareeyaha wakaaladda Biyaha Hargeisa ayaa dhawaan ku dhawaaqay in magaalada gabi ahaanba biyaha laga xidhayo mudo saddex cisho ah, si loo tijaabiyo isku xidhka hanaanka cusub ee biyo qaybinta magaalada iyo tijaabada kaydadka biyaha ee cusub, waxaanay saddex cisho ka dib ku dhawaaqeen inay sii daayeen biyaha, tijaabadaasina lagu guulaystay, balse wali ay ku hawlan yihiin qaybinta beebabka biyaha ee gaynaya xaafadaha aanay hore biyuhu u gaadhi jirin.

Hadaba Sahra Ciidle Nuur ayaa goor dhawayd khadka telephone-ka ee magaalada Hargeisa kula xidhiidhay, maareeyaha wakaaladda Biyaha Maxamed Cali Daarood, waxaanay ugu horayn waydiisay goorta ay sida rasmiga ah u sii daynayaan biyaha caasimadda oo ay wada gaadhayaan gabi ahaan xaafadaha Hargeisa.

Biyo balaadhinta ee Hargeisa
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:33 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG