Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Somaliya oo sheegtay in 37 qof lagu dilay weerarki Xeebta Lido


Mid ka mid ah dhibbanayaashi weerarka
Mid ka mid ah dhibbanayaashi weerarka

Dowladda Soomaaliya ayaa Sabtidi sheegtay, in tirada dadki lagu dilay qaraxi habeen hore lagu bartilmaameedsaday Xeebta Lido ee magaalada Muqdisho ay gaartay 37 qof, halka dhaawacu uu marayo 247.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya, Cali Xaji Aden oo wariyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in 11 ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladdoodu liidato. Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay weerarka kooxda Al Shabab, hase yeeshee wali si rasmi ah uma sheegan Al Shabab.

Weerarki Xeebta Lido ayaa noqday kii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca Soomaaliya, tan iyo bishi October ee sannadki 2022-ki, markaas oo laba baabuur oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay lagu qarxiyay isgoyska Zobe ee magaalada Muqdisho.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan 100 qof, halka lagu dhaawacay 300 oo ruux.

Warkan oo faah-faahsan waxaad ku maqli doontaan qeybaha danbe ee idaacaddan Saaka.

Madal

XS
SM
MD
LG