Xilli dhibaato dhanka guryaha ah ay wali ka jirto dalka Canada, gaar ahaan magaalada Toronto oo ay deggen yihiin Soomaalida ugu badan ee dalkaas, ayaa waxaa soo baxaya rajo ay dowladda ku dhiseyso malaayiin guryo cusub ah, kuwaasoo la filayo in ay wax ka baddelaan dhibaatada taagan.
Dad badan ayaa qaba in dhisidda guryo cusub ay wax ka tari karto mushkiladda daba-dheeraatay ee dhanka guryaha.
Wariyaha VOA-da ee Canada Xuseen Nuur Xaaji ayaa arrimahan ka wareystay Farxaan Cali Jimcaale, oo madax ka ah shirkadda Dahaba Accounting and Tax Assistants (DATA) oo ka shaqeeya arrimaha maaliyadda iyo dhaqaalaha, kana mid ah Soomaalida deggen magaalada Toronto. Ugu hooreyn waxa uu waydiiyay dhibaatada dhanka guryaha ee Toronto.
Madal