Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dowladda Soomaaliya oo mamnuucday ka ganacsiga hubka


Golaha Wasiirrada Soomaaliya
Golaha Wasiirrada Soomaaliya

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa xalay ku dhawaaqday, in hadda kaddib ay gudaha Soomaaliya mamnuuc ka tahay ka ganacsiga hubka, gaar ahaan in la soo dajiyo, la dhoofiyo, la warshadeeyo, laga ganacsado, la isu gudbiyo ama la daabulo hubka iyo saanadaha millatari.

Qaraarkan ayaa kasoo baxay shir deg deg ahaa oo ay xalay magaalada Muqdisho ku yeesheen Golaha Wasiirrada, shirkaas oo uu guddoominayay Ra'isulwasaare Xamza Cabdi Barre.

Faah-faahinta warkaan, waxaa innoo haya Ismaaciil Xuseen Farjar.

HALKAN KA DHAGEYSO WARBIXINTA.m4a
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:39 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG