Maamul goboleedka Galmudug ayaa Salaasadii shalay si rasmi ah uga hadlay shaqaaqada ka dhalatay hub iyo saanad milateri oo la isku qabsaday, waxaana ka dhashay gacan ka hadal ay dad ku dhinteen. Dhacdadan ayaa ka dhacday deeganka Siila-madow ee gobolka Galguduud.
War saxaafadeed ay soo saartay Wasaaradda Amniga Gudaha ee Galmudug ayaa lagu sheegay inay si dhow ula socotay dhaq-dhaqaaqa hubka laga soo tahriibiyey dhanka Itoobiya ee ku socday woqooyiga Galgaduud. Waxay kaloo sheegtay in ay wadaan baaritaan arrintan ku aaddan.
Haddaba, wariyaha VOA-da ee Galkacyo, Cabdiwaxid Macalim Isxaq ayaa arrintan ka wareystay, Wasiirka Amniga Galmudug, Maxamed Aden Gaboobe.
Madal