Marki uu billowday dagaalka uu Ruushka ku qaaday waddanka jaarka la ah ee Ukraine bishii Febraury ee sannadki 2022-ki, waxaa dadki uu saameeyay ee dagaalka ka qaxay ka mid ahaa Soomaali u badneyd arday.
Dhalinyaradaasi oo qaarkood ay la socdeen waalidiintooda, ayaa waxa ay intooda badani u qaxeen dalal ku yaalla galbeedka iyo waqooyiga Yurub. Dadkaasi waxaa ka mid aheyd Amira Hassan Nur oo iyada iyo qoyskeeda ay u qaxeen dalka Jarmalka.
Amira, oo ku noolaan jirtay magaalada Odesa ee koofurta Ukraine, ayaa waxa ay hadda dagantahay dalka Jarmalka. Waxay u warrantay wariyaha VOA-da ee Qaaradda Yurub, Cabdixafid Cawil Ismacil oo howlo shaqo u jooga Jarmalka.
Madal