Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dhalinyaro ku tartamay nadaafadda deegaanka oo xalay Muqdisho lagu guddoon-siiyay abaalmarinno


Duqa Muqdisho oo abaalmarin guddoonsiinaya degmada Kaxda ee Muqdisho
Duqa Muqdisho oo abaalmarin guddoonsiinaya degmada Kaxda ee Muqdisho

Waxaa xalay magaalada Muqdisho lagu abaal mariyay dhallinyaradii ka shaqeyneysay Mashruuc waddani ah oo loogu magac daray "Xus oo xaaqo" kaas oo ahaa tartan dhinaca deegaanka ah oo maalmihii xorriyadda loogu talagalay in lagu dhireeyo, sidoo kalana nadaafad ahaan looga shaqeeyo qaar kamid ah degmooyinka dalka.

Dhallinyaradii ka shaqeysay 18 degmo oo buuxiyay hadafkii mashruucaan ayaa seddex degmo oo kamid ah la siiyay abaal marin. Wasaaradda dhallinyarada Soomaaliya ayaa sheegtay in ololaha 'Xus oo xaaqo' loo bedelayo mashruuc ballaaran oo waddani ah oo da'yartu ay sanad walba kusii tartami doonaan.

Weriyaha VOA-da ee Muqdisho Cabdicasiis Barrow ayaa warbixin arrintaasi ku saabsan inoo soo diray.

WARBIXINTA MUQDISHO.m4a
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:14 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG