Garoowe —
Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool magaalada Garowe ayaa welwel ka muujiyay amar lagu doonayo in Garowe looga saaro Itoobiyaanka sida sharci-darrada ku jooga halkaas.
Dad Itoobiyaan ah oo ganacsiyo ku leh Garoowe ayaa maamulka ka codsaday in la kala saaro iyaga iyo Itoobiyaanka cusub ee magaaladaasi u yimaada si ay u tuugsadaan ama u dawarsadaan.
Warbixintan waxaa Garowe ka soo diray Nuux Muuse Birjeeb.
Madal