Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Man United oo 2-1 ku garaacday Man City, kuna guuleysatay koobka FA-ga


Kooxda Manchester United ayaa soo bandhigtay qaab ciyaareedkeedii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkaan, kaddib markii ay 2-1 ku garaacday Manchester City finalkii koobka FA-ga Sabtida maanta ah, islamarkaana ay ka diiday kooxda ay xafiiltamaan inay mar kale isla qaaddo labada koob, iyada oo ku guuleystay markii 13-aad.

Goolal ay kala dhaliyeen da’yarteeda Alejandro Garnacho iyo Kobe Maino ayaa hoggaanka u dhiibay United kahor inta aan la aadin qeybta nasashada garoonka Wembley.

City ayaa hurdada ka kacday qeybtii labaad ee ciyaarta, waxaana Erling Haaland uu birta ku dhiftay kubbad gool loo fishay, laakin waxay ku qaadatay inay goool h elaan ilaa daqiiqadii 87 aad markii Jeremy Doku oo bedel ku soo galay uu shabaqa soo taabtay.

Si kastaba ha ahaatee, United ayaa isku dayday inay xaqiijiso inay u soo bixi doonto Europa League xilli ciyaareedka soo socda.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG