Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxkamadda Racfaanka oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali


Maxamkamadda Racfaanka ayaa goor dhaweyd dil toogasho ah ku xukuntay Sayidcali Macallin Daa'uud oo ku eedeysan inuu gubay xaaskiisii Luul Cabdicaziiz oo u geeriyootay dhaawac kasoo gaaray dab.

Maxkamadda Racfaanka ayaa Axaddii soo gabagabeysay dhageysiga kiiskan, waxaana hore Maxkamadda Gobolka Banaadir ay lixdii Maarso dil toogasho ah ku xukuntay Sayid Cali Macallin Daa’uud, kaas oo ay racfaan ka qaatee qareemmadiisii.

Go’aanka Maxkamdda oo si weyn loo sugaayay ayaa waxaa ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda Siciid Cali Maxamed.

Ku dhawaaqista xukunkan ayaaa waxaa goobjoog ka ahaa ehalada Luul Cabdicaziz iyo Sayidcali Macallin Daa'uud.

Warkan oo ah mid degdeg ah, lama oga in Cali Xalane uu oo ah qareenka difaacaya SayidCali uu aadi doono maxkamadda sare.

"Kuma qanci karno xukun la mid ah kii aan hore racfaanka uga qaadanay" ayuu Cali Xalane u sheegay warbaahinta maxalliga ah, kahor ku dhawaaqista go'aanka Maxkamadda racfaanka.

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo dirtay Saynab Abuukar.

Maxkamadda Racfaanka oo dil toogasho ah ku xukuntay Sayid-Cali
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:45 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG