Nairobi —
Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maalinti labaab maanta ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Wadahadallo shalay dhexmaray madaxda labada dhinac ayay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ku kala saxiixdeen heshiiyo la xiriira dhinacyada difaaca, amniga iyo ganacsiga. Booqashada iyo heshiisyada dhacay ayaa yimid kaddib marki ay Kenya iyo Somaliya hagaajiyeen xriirkooda dibalamaasiyadeed.
Haddaba faah-faahinta heshiisyadan iyo dib u hagaajinta xiriirka labada waddan ayuu wariyaha VOA-da ee Nairobi, Yasin Cise Wardhere ka wareystay, danjiraha cusub ee Soomaaliya u fadhiya Nairobi, Jabril Ibrahim Cabdulle.
Madal