Isku xirrada

War Deg-Deg ah

43 qof oo lagu la'yahay doon ku qarriqantay meel u dhaw Garisa


Kenya Flooding
Kenya Flooding

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa sheegaya, in ugu yaraan 43 qof oo rabay in ay doon uga gudbaan wabiga Tana River la la'yahay raq iyo ruux.

Dadkaan ayaa marki hore kasoo baxay magaalada Nairobi, ayaa doon ka raacay deegaanka Kona Punda oo u dhow jidka isku xira magaalada Gaarisa iyo degaanka Madogo ee gobolka Waqooyiga Bari Kenya.

Aaggaasi ayaa waxaa isku darsamay daadad ka dhashay roobab mahiigaan ahaa oo maalmahan ka da'ayay Kenya iyo wabiga Tana oo karkaarrada jabsaday.

Hadddaba, wararki ugu danbeeyay ee xaaladdaasi ayaa Nur Hassan Nur uu ka wareystay, wariyaha VOA-da ee gobolka Waqooyi Bari Maxamed Farax Shire.

43 qof oo lagu la'yahay doon ku qariqantay meel u dhaw Gaarisa
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:49 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG