Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wadahadalladii Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif oo 'natiijo la'aan' kusoo dhammaaday


Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay inuu fashil ku dhammaaday wadahal uu Nairobi kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, sida uu ku sheegay bayaan uu soo dhigay bartiisa rasmiga ah ee Facebook.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in wadahadalladan ay ku saabsanaayeen arrimaha dastuurka, siyaasadda, mustaqbalka dalka iyo khilaafka hadda ka dhex jiray dowladda federaalka iyo Puntland, waxaana uu sheegay inay natiijo la'aan kusoo dhammaadeen.

Sheekh Shariif ayaa sheegay inuu aaminsan yahay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka siyaasadda. Waxa uu madaxweynihii hore ka mid yahay siyaasiyiin kasoo horjeestay hannaankii dib u eegistii dastuurka.

Xiriir aan la sameynay madaxtooyada Soomaaliya nooma aysan suurtageli inaan jawaab ka helno. Marka ugu horeysa oo aan helnana waan idiin soo gudbin doonaa.

Bayaanka kasoo baxay madaxweynihii hore ayaa u qornaa sidan:

Madal

XS
SM
MD
LG