Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaashaanle Sare Xasan Gaamuur: Waxaan ku jiray 21-kii aas-aastay Ciidanka Xoogga Soomaaliya


Qaar ka mid ah saraakiishii aas-aastay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.
Qaar ka mid ah saraakiishii aas-aastay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

64 sano ayay Jimcihi shalay ku buuxsantay marki la aas-aasay Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya.

Ciidanka Millatariga Soomaaliya, ayaa waxaa 12-ki April ee sannadki 1960-ki lagu aas-aasay 21 sarkaal oo ay ku jireen laba madaxweyne oo marki danbe Soomaaliya soo maamulay.

21-kaasi sarkaal ee lahaa aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka, waxaa hadda ka nool laba sarkaal oo mid ka mid ahi uu yahay, Gaashaanle Sare Xasan Maxamuud Sabriye “Gaamuur”.

G/sare, Hassan Gaamuur, oo ay da’diisu tahay 94 jir ayaa hadda ku nool gobolka Virginia ee dalkan Mareykanka. Wariyaha VOA-da, Nur Hassan Nur ayaa khadka telefoonka ku wareystay. Ugu horreyn, wuxuu ka hadlayaa sidi loo aas-aasay ciidanka.

please wait

No media source currently available

0:00 0:08:34 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG