Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Booliska oo sheegay in khatar amni aysan ka jirin Muqdisho

Booliska Soomaaliya
Booliska Soomaaliya

Booliska ayaa adkeeyay ammaanka maagalada caasimadda ee Muqdisho, iyadoo ay jirto diginin amni xilli shacabka magaalada ay ku jiraan u dabbaaldagga ciidda, kadib markii ay soo dhamaatay bisha barakaysan ee Ramadan.

Hadalka Booliska Soomaaliya ayaa imaanaya 48 saac kadib markii Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay sheegtay inay heshay xog ku saabsan halis amni oo ku aaddan dhowr goobood oo ka mid ah Muqdishu oo uu ku jiro garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport.

Afhayeenka Ciidanka booliska Cabdifataah Aadan Xasan ayaa VOA-da u sheegay inay sugayaan ammaanka muwaadiniinta ciidaya, islamarkaana hadda aysan jirin qatar amni oo ay dareemayaan .

Wuxuu u warramay wariyaha VOA-da ee Magaalada Muqdisho Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Amniga caasimadda iyo Booliska
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:43 0:00

Madal

XS
SM
MD
LG