Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Champions League: PSG ma kasoo kabsan kartaa guuldarradii Barcelona?


FBL-EUR-C1-PSG-BARCELONA
FBL-EUR-C1-PSG-BARCELONA

Weeraryahanka Brazil, Raphinha ayaa labo gool oo uu dhaliyay waxay caawinaad u hayed in Barcelona ay 3-2 kaga badiso Paris St Germain lugta hore ee wareega 8-da ee Champions League, iyadoo kooxda reer Spain ay heleen guushoodii ugu horeysay ee wareegfa 16-ka markii ugu horreysay muddo afar sano ah.


Weeraryahanka PSG Kylian Mbappe ayaan ku dhex lumary garoonka Parc des Princes, iyadoo kooxda shanta jeer ku guuleysatay koobka Yurub ee Barca ay u suurtagashay inay dhex ku jire ku ciyaarto kabtanka France, kaasoo inta badan ku jahwareersanaa isku daygiisii weerarka.

Paris Saint-Germain ayaa kulankan soo gashay iyada oo aan laga badinin 27-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan, laakiin waxa ay guuldaro kala kulantay kooxda ay u dhidan yahay ee Barcelona oo doonaysay inay soo ceshato hoggaanka kubbada cagta Yurub.

Dhinaca kale, Atletico Madrid ayaa dhalisay labo gool qeybtii hore ee ciyaartii ay la yeelatay, Borussia Dortmund, laakin waxa ay ku qasbanaadeen in ay ka badbaadaan soo laabasho dambe oo ay la timaado Borussia Dortmund, ka hor inta aysan 2-1 ku badinin lugtii hore ee wareega 8da Champions League Arbacadii.

Kooxda Spain ayaa si buuxda u maamulatay qeybta hore ee ciyaarta, lakiin cadaadiska kooxda Jarmalka ayaa sababay in daqiiqadii 81-aad uu Sebastien Haller dhaliyo gool, ka dibna labo jeer ay ku garaaceen birta.

Reuters.

Madal

XS
SM
MD
LG